Rikoor: Man City Oo Rikoor Ka Dhigtay Premier League Kadib Guushii Chelsea

0
346

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Manchestar City ayaa Rikoor Ka Dhigtay Horyaalka Premier League Kadib Guushii ay Ka Gaareen Kooxda Chelsea Kulan Ka Dhacay Garoonkeeda Etihad Kulankan ayaa Ahaa Kulan Ka Tirsan Todobaadkii 13-aad ee Horyaal Premier League.

Goolal ay Dhaliyeen Kevin De Bruyne iyo Riyad Mahrez ayaa Man City Ka Caawiyay in ay Kusoo Laabato Kaalinta 3-aad ee Kala Saraynta Horyaalka Premier League.

Guushii ay Manchestar City Ka Gaartay Chelsea ayaa Ka Caawisay Citizen in ay Dhigto Rikoor Taariikhi ah oo Horyaalka Premier League.

Rikoodhka Taariikhiga ah ee ay Kooxda Man City Dhigtay ayaa ah in ay Gaartay Guushii 400-aad ee Taariikhdeeda Horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here