Dhibane la Jiran Xanuun Beerka ka haleelay Oo deeq Lacageed ka helay mid kamid ah Ganacsatada Magaalada Kismaayo

0
335

Kismaayo(Idaacada Waamo)Cali Cabdullahi Daahiyow oo ah Dhibane in mudo ah la ildarnaa Xanuun Beerka kaga dhacay Ayaa waxaa Uu Deeq Lacageed ka Helay  Xaaji Cali Naaji Oo kamid ah Ganacsatada Magaalada Kismaayo kadib Markii Uu arkay Muqaal laga baahiyay Cali oo xiligaas Codsanayay in laga Gacansiiyo Sidii loola tacaali Lahaa Xaaladiisa Caafimaad .

Cali oo kamid ururka Dhalainyarada Dagmada Kismaayo Ayaa mudooyinkii Danbe ladalaa Dhacayay Cudurka Beerka ka Haleelay Kaas oo Saamayn ku yeeshay  noloshiisa iyo Shaqo Maalmeedkisa intaba .

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Jubbaland CabdiWahaab Bilaal Axmed oo Goobjoog ka Ahaa markii  Lacagta lagudoo sinayay Dhibanahaan Ayaa Sheegayn in wax lagu farxo ay tahay in Cali laga gacan siinayo sidii uu ku helilahaa Caafimaad .

Cali aya isna dhankiisa soo dhaweyay Deeqdaan Lacageed Ee uu ka Helay Ganacsadaha soomaliyed Waxaa uuna intasi ku daray in Wali uu Cawinaad uga baahan yahay Walaalihisa Soomliyed.

Xanuunkaan Beerka ka asiibay  Cali Ayaa ah mid caqabad ku noqday noloshisa Waxa uuna Sababay in Caloosha tuubo laga galiyo si ku meel gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here