Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Xoghayaha Guud Ee Wariyaasha Aan Xuduudda Laheyn Oo Paris Ku Kulmay

0
386

Paris(Idaacada Waamo)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Paris kulan kula qaatay xoghayaha guud ee wariyaasha aan xudduuda laheyn, Christophe Deloire.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Christophe Deloire oo goob joog uu ka ahaa agaasimaha Afrika ee wariyaasha aan xuduudda laheyn, Arnaud Froger, ayaa looga hadlay dardar gelinta dadaallada dowladdu uga hor tegeyso dhibaatooyinka kooxaha argagaxisadu ay ku hayaan wariyaasha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda Soomaaliyeed cidna aysan ka oggolaaneyn in lagu xad gudbo warfidiyeennada oo ah indhaha bulshada.

Sanadihii lasoo dhaafay, waxaa hoos u dhacay dhibaatooyinka ay la kulmaan warfidiyeennada, waxaana dolwadda Soomaaliyeed ay dadaal xooggan ugu jirta sidii loo sii horumarin lahaa iyo sidii howl-wadeennada warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo nabad gelyo buuxda oo qayb ka qaadata horumarka iyo gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

R/W,Abdi Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here