Barcelona Oo Laga Yaabo In Ay Shaqada Ka Caydhiso Tababare Ernesto Valverde

0
480

Kismaayo (Waamo Radio) Kooxda Reer Spain ee Barcelona ayaa u Muuqata Kuwo ka Quustay Tababaraha Ernesto Valverde Kadib Guuldaradii Kooxda Barcelona Ka Soo Gaaray Kooxda Levante Kulan Ka Tirsanaa Horyaalka La Liga.

El Chiringuito TV ayaa Sheegaya in ay Barcelona Si aad ah ugu Dhawdahay in ay Shaqada Ka Cayriso Tababare Valverde Kadib Qaab Ciyaareedka Xun ee Kooxda Xilli Ciyaareedkan.

Barcelona ayaa Laga yaabaa Iney Udhaqaaqdo Tababaraha Kooxda River Plate EE Marcelo Gallardo Kaas oo ay Isha Ku Heyso Una aragto Tababare Munaasib Ku ah Kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa Si Xun Ku Bilaabatay Xilli Ciyaareedkan iyada oo 3 Kulan Guuldaro Kala Kulantay Horyaalka 12 Kulan oo ay Ciyaartay Halka ay Sidoo Kale Hal Kulan Bar-baro Gashay Tartanka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here