(Warbixin) Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Bishii October

0
463

Kismaayo (Waamo Radio) Waxa Lasoo Soo Saaray 6-da Xiddig ee u Tartami Doona abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican Bishii October ee Horyaalka Premier League.

Kooxda Hogaanka Heysa ee Liverpool Ayaanan Wax Xidig Ku Laheyn Xidigaha Utartami Doono  Abaalmarinta Xidiga Bishii Tagtay ee October

Xiddigaha u Tartama Abaalmarinta Bishan ayaa Kala ah.

Jack Grealish (Aston Villa): Kabtanka Kooxda Aston Villa ayaa Soo Bandhigay Qaab Ciyaareed Qurxoon isaga oo Kooxdiisa Lagaaray 2 Guul Xilli uu Gool Dhaliyay Kulankii ay Kooxdiisu 5/1 Ku Xasuuqday Kooxda Norwich City Halka uu Sidoo kale Gool iyo Caawin Sameeyay Kulankii ay Kooxdiisu 2/1 uga Badisay Brighton.

Ilkay Gundogan (Man City ): Xiddiga Man City ayaa Soo Bandhigay Qaab Ciyaareed Cajiib ah 3-dii Kulan ee ay Kooxdiisu Ciyaartay Isaga oo Gool Dhaliyay Kulankii ay Kooxdiisa Man City 3/0 uga Badisay Kooxda Aston Villa.

Dean Henderson (Sheffield United): Goolhahaha Kooxda Sheffield United ayaa Shabaqiisa ilaashaday 2 Kulan oo uu Ka Mid ahaa Kulankii ay Kooxdiisu 1/0 uga Badisay Kooxda Arenal isaga oo Sameeyay 8 Badbaadin oo Cajiib ah Xilli ayna Kooxdiisu Guuldaro La Kulmin Dhamaan Bishii October.

Youri Tielemans (Leicester City): Xiddiga Khadka Dhexe ee Kooxda Leicester City ayaa dhaliyay Gool Cajiib ah Kulankii ay Kooxdiisu Guusha Ka Gaartay Burnley Halka uu Sidoo Kale Dhaliyay Gool Sidoo Kale Caawin Sameeyay Kulankii ay Leicester City 9/0 Ku Bahdishay Kooxda Southampton.

Jamie Vardy (Leicester City): Weeraryaha Vardy ayaa sidoo kale Dhaliyay gool kulankii Burnley ka hor inta uuna 3 gool dhalin kulankii Southampton isaga oo gool dhalinta hogaaminaya.

Willian (Chelsea): Xiddiga Kooxda Chelsea ayaa Ciyaaray Dhamaan Kulamadii 3-da ahaa ee ay Chelsea Ciyaartay Bishii October Marka Laga Reebo 20 Daqiiqo oo uu Bada Ku Baxay Waxan uu Dhaliyay 2 Gool iyo Hal Caawin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here