Wabiga Jubba oo Fatahaad ku sameeyay qeybo ka mid deegaanka Goobweyn.

0
484

Gobweyn(Radio Waamo)Wabiga Jubba ayaa fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid deegaanka Goobweyn,waxaana uu saameyn ku yeeshay Goobo uu ka mid yahay schoolka deegaanka Goobwayn ee Gobolka Jubbada Hoose.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xidhiidhnay ayaa sheegay in ay Cabsi ay ka qabaan in uu wabiga fatahaad intan kasii badan sameeyo,maadama hada uusan saameyn weyn ku yeelan deegaanka.Faadumo Maxamed Ibraahim.

Gudoomiyaha deegaanka Goobweyn Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa xaqiijiyay in wabiga uu ku fatahay labo xaafadood,islamarkaasina ay cabsi weyn qabaan in uu Sameeyo Fatahaan kale .

Xilli guud ahaan dalka ay ka da’ayaan roobabkii deyrta ayaa deegaanada wabiyada ku teedsan waxaa saameyn ku yeesha fatahaada wabiyada ay sameeyaan.

R/W, Iidle Aadan Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here