Hodhac: Liverpool Vs Tottenham Hotspur

0
430

Kismaayo (Waamo Radio) Kulanka Xiisaha Leh Todobaadkan Premier Leageu ayaa ah Midka Dhex Mari Doona Kooxaha Liverpool & Tottenham Kana Dhici Doona Qaroonka Anfield Kana Tirsan Todobaadkii 10-aad ee Horyaalka Premier League.

Labadan Kooxood ayaa Markii ugu Horaysay Kulmi Doona Kadib Finalkii Champions League ee Xilli Ciyaareedkii Hore iyada oo Si Weyn isha Loogu Hayn Doono Waxa Ka Dhaca.

Kooxda Liverpool Ku Bilaabatay Horyaalka Premier League Si Cajiib ah Xilli Ciyaareedkan Maadaama Ay Kooxda Kujirto Kaalinta Koowaad ee Kala Sareynta .Horyaalka Premier League.

Laakiin Tottenham Hotspur ayaa Si Liidata Ku Bilaaabatay Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan iyaga oo Ku Jira Kaalinta 10-aad ee Kala Saraynta Horyaalka Premier League.

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa Guuldaro La Kulantay Kaliya Hal Kulan oo Ka Mid ah 13-kii Kulan ee ugu Dambeeyay ee ay Tottenham La Ciyaartay Premier League iyada oo ay Guuldaradii ugu Dambaysay ahayd tii ay Tottenham Ku Badisay 4/1 ee Dhacday October 2017.

Tottenham ayaan Guul Gaarin 8-dii Kulan ee ugu Dambeeyay ee ay Liverpool ku Booqatay Anfield iyada oo Markii ugu Dambaysay ee ay Anfield Kaga Badiso ahayd 2011.

Liverpool ayaa garaacday Tottenham labadii kulan ee horyaalka Xilli Ciyaareedkii Hore Halka ay Sidoo kale 2/0 Ku Garaacay Finalkii Champions League.

Guul ay gaadho Kooxda Liverpool ayaa Ka Caawin Doonta in ay Bar-barayso Dhibcihii ugu Badnaa ee ay 10-ka Kulan ee ugu Horeeya ee Premier League Ka Hesho oo ahaa 28 Dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here