UEFA Oo Soo Saartay 4-ta Xiddig Ee U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican Todobaadka Champions League

0
360

Kismaayo (Waamo Radio) UEFA ayaa Soo Saartay 4 Xiddig oo u Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican Todobaadkan Kadib Markii ay Soo Bandhigeen Qaab Ciyaareed Cajiib ah Kulamadii Todobaadkan.

4-ta Xiddig Waxaa Ku Jira 2 Xiddig oo Dhaliyay Min 2 Gool iyo 2 Xiddig oo Dhaliyay Min 3 Gool Kulamadii Talaadada iyo Arabacada ee Tartanka yurub ee Champions League.

Xiddiga ugu Horeeya ayaa ah Xiddiga Kooxda Juventus ee Paulo Dybala Kaas oo Kooxdiisa Ka Badbaadiyay Guuldaro isaga oo Laba Gool Dhaliyay Xilli Kooxdiisa 2/1 Kaga badisay Kooxda Lokomotiv Moscow

Waxaa Ku Xiga Xiddiga Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain Kaas oo 2 Gool Qurux Badan U Dhaliyay Kulankii ay Kooxdiisu 4/1 Kaga badisay Kooxda Genk

Waxa Kusii Xiga Xiddiga Kooxda PSG ee Kylian Mbappé Kaas oo Qaab Ciyaareed wareer ah Soo Bandhigay Kaydkana Saddexley Kala Soo Baxay Kulankii ay Kooxdiisku 5/0 Kaga badisay Kooxda Club Brugge

Waxa ugu dambeeya xiddiga Man City ee Raheem Sterling Kaas oo Saddexley Dhaliyay isna Kulankii ay Kooxdiisu 5/1 Kaga badisay Kooxda Atlanta

Afartan Ciyaaryahan Ayaan Ku Tartami Doono Xidiga Isbuuca ee Champions League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here