Maalinta Caalamiga ah ee Iftiinka oo maanta dunida laga xusay

0
130
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maalinta Caalamiga ah ee Iftiinka ayaa loo dabaaldegaa sanad walba 16-ka May si loogu dabaaldego ka qayb qaadashada tignoolajiyada iftiinka iyo qaybaha kala duwan ee nolosha, oo ay ku jiraan farshaxanka ,dhaqanka, waxbarashada, daawada, isgaarsiinta, sayniska, iyo horumarka waara.
xuska Maalintaan waxaa asteeyay   Qaramada Midoobay oo xusta sanad waliba marka la gaaro 16 may waxaana maamula UNESCO’s International Basic Science Program (I.B.S.P.). Maalinta Caalamiga ah ee Iftiinka waxaa looga dabaaldegaa adduunka oo dhan iyada oo loo marayo munaasabado iyo golayaal ay soo abaabulaan dadka gudaha iyo dibaddaba bulshada sayniska.
Tan iyo waayihii hore, aadanuhu waxay isticmaaleen walxo kala duwan si ay u soo saaraan iftiin, laga bilaabo dhagaxa banaan, qolofka, ama alwaax lagu qooyay baruurta xoolaha iyo nalalka saliida ilaa shumac iyo gaas. Taariikhda casriga ah ee iftiinka waxay ka bilaabantay ikhtiraacida nalka korontada.
Hal-abuurkani wuxuu horseeday abuurista nalka badbaadada macdanta 1815 iyo nalalka waddooyinka ee magaalooyin badan oo Yurub ah, oo ay ku jirto Paris, intii lagu jiray 1800-meeyadii.
Sannadkii 1850kii, Joseph Swan waxa uu xalliyay mid ka mid ah mashaakilaadka ay la kulmeen hal-abuurayaasha soo saaray laambada korantada ee wax ku oolka h .
Markii Edison uu ogaaday cilada ku jirta laambada korontada Swan, waxa uu sameeyay horumar waxana uu soo bandhigay nalkiisa December 1879. Swan waxa uu koobiyeeyay hagaajintan waxa uuna ka aasaasay shirkad nal koronto ah gudaha England.
Saynis yahanadu waxay awoodeen inay abuuraan Iftiin waxa uu noqonayaa mid horumarsan oo casri ah, iyada oo awood u leh in ay iftiimiso guryaha iyo waddooyinka si aan fiilo lahayn – iyada oo la adeegsanayo taleefannada casriga ah iyo amarrada codka AI. Nalalka shidan ayaa sidoo kale meesha laga saaray.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here