Liverpool Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Daafaceeda Joel Matip,

0
366

Kismaayo (Waamo Radio) Kooxda Kubada Cagta ee Liverpool ayaa Si Rasmi ah u Xaqiijisay in ay Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddiga Daafaca ee Joel Matip Kaas oo Mustaqbalkiisa u Hibeeyay Kooxdiisa Liverpool.

Liverpool ayaa Soo Bandhigtay in uu Joel Matip Qalinka Ku Duugay Heshiis Wakhti Fog ah iyaga oo Ku abaalmariyay Xiddiga Kadib Qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu Soo Bandhigay Waayihii Dambe.

Joel Matip ayaa Ka Hadlay Heshiiska Cusub ee uu saxiixay ayaa yidhi”:- Waxa aan Dareemayaa Dareen Dagan oo Farxad ah in aan ka Qayb ahaado Kooxdan Liverpool oo ah Koox Weyn , Waxa Sharaf ii ah inaan Kasii Qayb ahaado Kooxda Waana Ku Faraxsanahay in aan Mustaqbalkayga u Hibeeyo .

Matip ayaa Kooxda Liverpool Si Xor ah uga Soo Biiray Kooxda Schalke 04 Xagaagii 2016 isaga oo u Ciyaaray Kooxda Ku Dhawaad 100 Kulan isaga oo u Dhaliyay 5 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here