Ra’iisul Wasaare Khayre Ayaa Washington Uga Qeyb Galay Shirka Heerkiisu Sarreeyo Ee IMF Iyo Bangiga Adduunka Oo Looga Hadlay Arrimaha Soomaaliya

0
349
Kismaayo(Waamo Radio)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xassan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qayb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in dalka deynta laga cafiyo.

Ka qayb galayaasha shirkaan, oo ay soo qabanqaabisay dowladda Ingiriiska, ayaa isla qiray in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada, iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Radio Waamo/Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here