Xabsiga dhexe ee degmada Kismaayo oo dayactir lagu sameeyay

0
391
Kismaayo(Waamo Radio)Xabsiga dhexe ee degmada Kismaayo oo dhisan mudo 200,oo sano,ayaa waxaa burburkii dowlada dhexe kadib ay dhaxalsiisay burbur xoogan oo soo gaaray,Jubaland oo kaashaneysa qurba joogta reer Jubbaland ayaa isku howlay dayactirka xabsiga dhexe ee Kismaayo.

Luul Cabdi Xamiid Shariif oo ka mid ah qurba joogta Jubaland ayaa dayactir ku sameysay xabsiga dhexe,xili laga dareemayay xabsiga burbur xoogan.
Xasan Cumar Cabdi Taliye ku xigeenka xabsiga dhexe ayaa amaan iyo mahad celin u jeediyay taliyaha,wuxuuna ugu baaqay in ay qurba joogta kale ee daagaanka ay ku daydaan Luul.
Maxamed Caaqib Xirsi Taliyaha xabsiga dhexe ee degmada Kismaayo ayaa dhankiisa u mahad celiyay Luul,islamarkaasina dowlada gobaleedka Jubaland ka codsaday in shahaado sharaf la gudoonsiiyo Luul oo dayactir ku sameysay xabsiga dhexe.
Waxaa Warbixintaan inoo soo jeedinaya:-Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here