Cristiano Ronaldo Oo Qarka U Saaran Rikoodh Taariikhi Ah 

0
385

Kismaayo (Waamo Radio) Xiddiga Xulka Qaranka Portugal Iyo Kooxda Juventusee Cristiano Ronaldo ayaa Isku Diyaarinaya Gudashada Waajibaadka Qaranka kulamada is reeb-reebka Tartanka Euro 2020.

Xulka Portugal ayaa Isku Diyaarinaya in uu La Ciyaaro Xulalka Luxembourg Iyo Ukraine Kulamada is reeb-reebka Tartanka Euro 2020.

Sida Aan Kasoo Xigtay Wargayska Abola, Cristiano Ronaldo ayaa Qarka u Saaran Rikoor Taariikhi ah oo Xirfadiisa Ciyaareed ah Isaga oo 2 Gool u Jira in uu Dhaliyo Goolkiisii 700-aad ee Xirfadiisa Ciyaareed.

Ciyaaryahankaan 34 jirka ah ee Cristiano Ronaldo ayaa Rikoorkaas Dhaafi Kara Mid Kalena Dhigi Karo Waa Hadii uu qaab Ciyaareed Fiican Soo Bandhigo Labada Kulan ee Luxembourg Iyo Ukraine .

Isla Wargayska ayaa Soo Bandhigay Xiddigaha Haatan ugu Goolasha Badan Kubada Cagta Waliba ah Xiddigaha Haatan Ciyaara Kubada Cagta Kuwaas oo Kala ah.

Cristiano Ronaldo: 698 gool

Lionel Messi: 672

Luis Suarez: 463

Robert Lewandowski: 443

Sergio Aguero: 404

Edison Cavani: 397

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here