Hordhac: Inter Milan Vs Juventus: Wax Ka Ogoow Oo Kulanka Xiisaha Leh Ee Caawa

0
492

Kismaayo (Waamo Radio) Indhaha Caalamka Waxay Caawa Kusii Jeedaan Garoonka San Siro Kaas oo uu Ka Dhici Doono Kulan Xiiso Leh Kaas oo Dhexmari Doona Kooxaha Inter Milan iyo Juventus.

Inter Milan Caawa Waxay Dooneysaa Iney Hogaanka Sii Dheereysato oo ay Kasii Fogaato Kooxda Ay Caawa Ubaxayaan , Halka Kooxda Juventus ay Caawa Dooneyso Iney Hogaanka Horyaalka Seero A Dib Usoo Ceshato

Kulanku waa Mid aan La Qiimeyn Karin Waayo Labada Kooxood Waxay Heystaan Ciyaartooy Wada Tayo Leh , Marka loo eego in ay Labada Kooxood Waxay Ku Jiraan Qaab Ciyaareed Fiican tan ilaa bilowgii horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Labada Kooxood Waxaa Caawa Hogaamin Doono Labo Tababare oo Soo Wada Hogaamiyey Kooxda Chalsea Maurizio Sarri Iyo Antonio Conte

Kooxda Inter Milan ayaa dhamaan wada badisay kulamadii horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan halka ay kooxda Juventus kaliya lumisay 2 dhibcood kadib markii ay bar-baro gashay.

Kulanka: Inter Milan Vs Juventus

Tartanka: Serie A-da

Wakhtiga: 9:45

Garoonka: San Siro

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Inter Milan ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Horyaalka Serie A-da ee ay La Ciyaartay Kooxda Juventus iyada oo Guushii ugu Dambaysay ee ay Ka Gaadhay ahayd September 2016.

Juventus ayaa Ka Badisay Inter Milan Horyaalka Serie A-da In Ka Badan Kooxaha Kale  iyaga oo Ka Badiyay 82 kulan oo ka mid ah Kulamadii Ay Is Arkeen Labada Kooxood

Inter Milan ayaa Juventus kaga Badisay Garoonkeeda Kulamo ka badan Kooxaha kale 35 Kulan ayay Ka badiyeen iyaga oo sidoo kale dhaliyay goolal ka badan .

Inter Milan ayaa Badisay Mid Kasta oo Ka Mid ah 6-dii Kulan ee ugu Horaysay Xilli Ciyaareedkan iyaga oo Kaliya Sidaas Sameeyay Taariikgdooda Sanadkii 1966/67.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here