Liverpool Oo Xaqiijisay Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Bishii September,

0
409

Kismaayo (Waamo Radio) Xiddiga Xulka Qaranka Brazil Weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa Ku Guulaystay abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican Liverpool ee Bishii September Isaga oo Maanta abaalmarinta Lagu Gudoonsiiyay Garoonka Tababarka ee Melwood.

Xiddiga Liverpool ee Lambarka 9 u Xiran ayaa Loo Magacaabay Xiddigii ugu Fiicnaa Kooxda ee Bishii La Soo Dhaafay Kadib Qaab Ciyareed Cajiib ah oo uu soo badhigay.

Farmino ayaa Qaab Ciyaareed cajiib ah Uga Soo Kacay Kursiga Kaydka Kulankii Newcastle Isaga oo Caawiye Ka Noqday Laba Gool Xilli ay Liverpool Guul Soo Laabasho Leh Gaartay.

Xiddiga Reer Brazil ayaa sidoo kale Gool Dhaliyay Kulankii ay Reds Garaacday Chelsea Kulan Ka Dhacay Stamford Bridge Isaga oo Sidoo Kale Ciyaaray Kulankii Sheffield United.

Firmino ayaa Abaalmarinta Kaga Guuleystay Xiddigaha Daafaca Joel Matip iyo Goolhaye  Adiran kuwaas oo Kula Tartamayay abaalmarinta Xiddiga ugu Fician Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here