Arsenal Oo Xasuuqday Standard Liege, Kulan Koobka Europa League Ah

0
391

Kismaayo (Waamo Radio) Arsenal ayaa Guul Wacan oo afar gool ah Waxa ay ka gaareen Kooxda Standard Liege ee Dalka Belgian oo Kulan ay Marti ugu aheyd  Wareegga Labaad ee Koobka Europa League

Qeybta Koowaad ayaa Nasiinada Lagu aaday Sedex Gool oo ay Arsenal Hogaanka Ku Heyso Xilli Goolasha Arsenal ay ahaayeen kuwo isu dhawaa oo ku Dhaliyeen Daqiiqadihii 14.16, iyo 22-aad Waxaana Laba Kamid ah Dhaliyey Xidiga Kooxda Gabriel Martinelli iyo Joseph Willock

Qeybta hore Arsenal bandhig wacan ayay soo bandhgigeen ciyaarta iyaga ayaana maamulayay Xilli Kooxda Martida ah ku tiirsanayaen kubadaha rogaal celiska ah

Marka la eego hanaan ciyaareedkii Arsenal ee qeybtaas hore waxaa laga filan karay goolal dheeraad ah qeybta labaad xilli Standard Liege iyana u muuqdeen kuwo cashar ka qaadanaya qeybtaas hore oo is badel keenaya qeybta labaad.

Qeybta labaad Daniel Ceballos ayaa Arsenal u dhaliyay gool afaraad gaar ahaan daqiiqaddii 57-aad balse ka dib goolkaas kooxda martida ah hanaan ciyaareedkooda waa uu soo wacnaaday kubadana waa ay la qeybsanayeen .

Dhamaadkii Arsenal aad ayay u Sigayeen Shabaqa Standard Liege balse Nasiibka ayaa Ka Maqnaa Xilli Isku dyadaa Kooxda Martidana Durba ay soo Celiyeen Daafaca

Si kastba , Arsenal Kulankaan wax ay soo bandhigen ciyaar deg degsiimo Leh Waxa ayna ugu dhameeyeen Kooxda Martida afar gool oo Nadiif ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here