Lionel Messi Oo Ku Guulaystay Xiddigii Ugu Fiican Adduunka

0
482

Kismaayo (Waamo Radio)Xiddiga Kooxda Barcelona Iyo Xulka Qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa Ku Guulaystay Xiddiga ugu Fiican adduunka ee abaalmarinta ay Bixiso FIFA Kadib Xilli Ciyaareed Fiican oo uu Soo Qaatay.

Lionel Messi ayaa Kooxdiisa Barcelona Ku Hogaamiyay Ku Guulaysiga La Liga iyo Waliba Finalkii Copa del Rey, Sidoo Kale Noqday Xiddiga ugu Goolasha Badan Sanadka Isaga oo Dhaliyay 50 Gool Tartamada oo Dhan.

Messi ayaa Ku Guulaystay Gool Dhalinta yurub iyo Waliba Gool Dhalintii Horyaalka La Liga ee Dalka Spain Kuna Mutaystay abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican adduunka.

Kabtanka Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa abaalmarintan Kaga Guuleystay Xiddiga ay Sida Weyn u soo Xafaaltamayeen ee C.ronaldo iyo Daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here