Tababaraha & Xiddiga Ugu Fiicanaa Premier League Bishii August Oo La Shaaciyay !!

0
379

Kismaayo (Waamo Radio) Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku Guulaystay Tabbarihii ugu Fiicnaa Bishii August isaga oo Abaalmarinta ku Garaacay Tababarayaashii Kula Tartamayay.

Tababaraha Jurgen Klopp ayaa Kooxdiisa Liverpool ku Hogaamiyay 4 Guulood 4-tii kulan ee ay Ciyaareen Premier League isaga oo arintaas Ku Mutaystay in Loo Doorto Tababaraha ugu Fiican Horyaalka Bishii La soo Dhaafay ee August .

Sidoo Kale Jurgen Klopp ayaa Kooxdiisa ku Hogaamiyay 13 Guulood oo Xidhiidh ah iyaga oo Dhaliyay 12 Gool 4-tii kulan ee Horyaalka Laga Ciyaaray Sidoo Kale Waxaa Laga Dhaliyay Kaliya 3 gool.

Jurgen Klopp ayaa abaalmairntan ku garaacay tababarayaasha Pep Guardiola (Man City), Roy Hodgson (Crystal Palace) iyo Tababarihii Hore Liverpool Brendan Rodgers (Leicester City) Kuwaas oo Kula Tartamayay Abaalmarinta Tababarihii Ugu Fiicnaa Bishii Tagtay ee August .

Sidoo Kale Abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican Premier League ayaa Loo Doortay Xiddiga Kooxda Norwich City ee Teemu Pukki Kaas oo Soo Bandhigay Qaab Ciyaareed Cajiib ah.

Teemu Pukki Ayaa Dhaliyey Ilaa 5 Gool Wuxuuna Abaalmarinta Ku Garaacay Sergio Aguer(Man City) ,Tommy Abraham(Chalsea) Iyo R Sterling (Man City)

Teemu Pukki ayaa Noqday Xiddigii 3-aad ee ka soo Jeeda Dalka Finland ee Ku Guulaystay Abaalmarinta Xididga ugu Fiican bisha ee Horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here