Karim Benzema Oo Bil Gudohood Ku Guulaystay Laba Biladood ,

0
441

Kismaayo (Waamo Radio) Xiddiga kooxda Real Madrid ee Benzema ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo qaab ciyaareedkiisa ku mutaystay in uu ku Guulaysto 2 Biladood kadib Markii ay Dhamaatay Bishii August.

Ciyaaryahanka Kooxda Rela Madrid ee Karim Benzema ayaa ku guulaystay Xiddigii ugu Fiicnaa ee Horyaalka Spain ee La Liga ee Bishii August kadib Qaab Ciyaareed Cajiib ah oo uu Xiddiga reer France Soo Bandhigay.

Dhanka Kale Kooxda Real Madrid ayaa Iyaduna Xaqiijisay in uu Karim Benzema ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga ugu fiican ee Bisha August kadib Markii uu Dhaliyay 2 gool sidoo kale caawiye ka noqday Ilaa 3 gool oo kale.

Weeraryahanka Reer France ayaa sidoo kale ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican kooxdiisa Real Madrid ee bishii August ee la soo dhaafay kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Kadib ku guulaysiga abaalmarinta Benzema ayaa yiri”Waan ku faraxsanahay in aan abaalmarintan ku guulaystay waa abaalmarin igu dhiiri galinaysa in aan soo bandhigo qaab ciyaareed fiican”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here