Xulka Kubada Cagta Somalia oo Guul weyn ku Furtay Ciyaaraha is reeb-reebka World Cup

0
575

Kismaayo(Waamo Radio) Xulka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray cayaar ka mid ah kuwa wareegga koowaad ee loogu soo baxayo koobka kubadda cagta adduunka 2022 ee Lagu Qabanaayo Dalka Qadar

Soomaaliya ayaa lugta koowaad ee wareegga koowaad cayaaraha is-reeb-reebka koobka adduunka 2022 waxay 1-0 uga badisay Zimbabwe. Cayaartaas ayaa waxay ka dhacday Dalka Jabuuti oo matala guriga Soomaaliya.

Lugta Labaad ee cayaarta ayaa sideedda bishan oo ah maalinta axadda ka dhaceysa dalka Zimbabwe , Soomaaliya ayaa lugta labaad ee cayaartan u baahan Tahay inaan laga adkaan ama ay goolal dhaliso balse aan looga adkaan farqi aan ka badneynd hal gool, si ay ugu gudubto wareegga labaad.

Guushan ayaa ah mid ka mid ah guulihii ugu weynaa ee Soomaaliya ay gaarto tan iyo xiligii burburka dowladda dhexe.

Zimbwe ayaa waxay Soomaaliya ka sareysa 90 darajo, marka ay noqoto qiimeynta kala horeynta xulalka ugu wanaagsan caalamka ee FIFA. Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta 202, halka Zimbabwe ay ku jirto 112.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here