Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Hay’adda Shaafi Raabi Foundetion ayaa lacag dhan shan kun oo dollar gaarsiisay Qoyska Wiil xanuunsanaya,lacagtaan ayaa billow u ah dhaqaalaha loo aruurinayo dhibane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo sanka labadiisa dhinac ka faruuran.
Wiilkan ayaa waxa uu ku nool yahay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose, isagoona ku dhashay xanuunkaan oo saameyn ku yeeshay Nolashiisa.
Fartuun Nuur Aadan ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.