Yaa ku guuleystay Kabta Dahabka ah Ee Gool Dhalinta Premier League ?

0
740

Kismaayo(Waamo Radio) Kadib markii la soo gaba gabeeyay horyaalka Premier League waxaa si buuxda loogu kala baxay kabta dahabka ah ee gool dhalinta horyaalka Ingiriiska oo uu xili ciyaareedkan dagaal wayni ka soo jiray.

Saddex xidig oo kala duwan ayaa hal mar xili ciyaareedkan kuwada guulaystay abaal marinta kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier league balse waxaaba ka sii cajiibsan in ay saddexda ciyaartoydaba ka soo jeedaan qaarada Afrika.

Pierre-Emerick Aubameyang Oo Reer Gabon ah , Mohamed Salah Oo Masaari ah iyo Sadio Mane Oo Xulka Senegal ayaa noqday saddexdii ciyaartoy ee qaarada Afrika ka soo jeeda ee abid hal xili ciyaareed oo Premier league ah kawada dhaliyay min 22 gool oo ay kabta dahabka ah ugu wada guulaysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here