Imis Lacag Ah Ayuu Pep Guardiola Galiyay Man City Si Uu Ugu Hogaamiyo Champions Leageu

0
596

Kismaayo(Waamo Radio) Wargayska MARCA ayaaa soo saaray Lacagta ay Man City suuqa galisay tan ilaa markii uu Pep Guardiola tababaaha u noqday waliba ku fashilmay in uu champions League ku hogaamiyo kooxda Citizen.

Kooxda Pep Guardiola ayaa tartanka champions League kaga hadhay 8 dhamaadka champions League kadib markii ay kaga hadhay lugta Kooxda Tottenham inkasta oo ay guul gaadheen hadana xeer kaga hadheen tartanka.

MARCA ayaa sheegay in uu Guardiola suuqa galiyay lacag dhan 608 milyan oo euro tan ilaa markii uu tababaraha u noqday Man City isaga oo la saxiixday xiddigo badan oo tayo fiican leh.

Pep Guardiola ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Man City suuqa galiyay lacag dhan 213 milyan oo euro oo uu kula soo wareegay xiddigaha John Stones, İlkay Gündoğan iyo waliba weeraryahanka Gabriel Jesus.

Xilli ciyaareedkiisii 2-aad Guardiola ayaa suuqa galiyay 317 milyan oo euro isaga oo kula soo saxiixday xiddigaha Ederson, Walker, Danilo, Bernardo Silva, Laporte iyo Mendy.

Xilli ciyaareedkiisii 3-aad ayuuna Guardiola lacag badan suuqa galin laakiin kaliya suuqa galiyay lacag dhan 77 milyan oo euro isaga oo la soo saxiixday xiddiga uu ugu weyn yahay Riyad Mahrez kaas oo uu kala soo wareegay Leicester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here