Goorma Ayaa La Samayn Doono Isku Aadka Wareega Group-yada Koobka Qaarada Africa ?

0
503

Kismaayo(Waamo Radio) Waxa si weyn loo sugayaa koobka qaarada Africa kaas oo ah midka ugu qiimaha badan ee laga qabto qaarada Africa kaas oo sanadkan lagu qaban doono dalka Masar kadib markii ay bishii hore si Rasmi ah u dhamaadeen is reeb-reebkii tartanka.

Isku aadka tartanka ayaa maanta lagu qaban doonaa caasimada dalka Masar ee Qaahira iyada oo la ogaan doono Group-yada iyo qaabka ay u wada ciyaari doonaan 24-ka xul ee ka qayb qaadan doona tartanka sanadka.

Isku aadka koobka Qaarada yurub ayaa bilaabmi doona 9 habeenimo saacada geeska Africa iyada oo xul kasta ogaan doono Group-ka iyo xulalka uu la ciyaari doono koobka.

Xaflada isku aadka ayaa lagu marti qaaday halyeeyo badan oo qaarada Africa ah kuwaas oo samayn doona isku aadka koobka qaramada qaarada Africa oo sanadkan xiiso gaar ah leh.

Kadib marka la sameeyo isku aadka tartanka ayaa bilaabmi doona bisha June ee sanadkan isaga oo socon doona muddo bil ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here