Messi Oo Xalay Jibiyay Rikoor U Yiilay Xiddig Hore Real Madrid Ah , Isaga Ayaa Haatan Ah Boqorka La Ligaha

0
700

Kismaayo(Waamo Radio) Xiddiga koowaad Barcelona ee Messi ayaa xalay jibiyay rikoor taariikhi ah oo u yiilay ciyaryahan Hore Real ah ka dib guushii ay ka gaareen Atletico Madrid 

Messi ayaa xalay u dhaliyay Barca  gool oo yimid daqiiqadihii geerida ee dhamaadka ciyaarta xilli Atletico Madrid ay kulankaas ku dhameysteen toban ciyaaryahan .

Messi ayaa haataan jibiyay rikoor La Ligaha ah oo u yiilay goolhayihii hore Real ee Iker Casillas taasi oo ku aadan dhanka guulaha horyaalka .

Sida wargeyska El Mundo Deportivo sheegayo , Messi ayaa noqday laacibka ugu badan dhanka guulaha ee taariikhda La Ligaha isaga oo badiyay kulankiisii 356-aad halka Iker Casillas uu ku istaagay 355

Dhanka kale goolKaas ee xalay uu dhaliyay ayuu Messi ku gaaray goolkiisii 33-aad ee La ligaha isaga ayaana hogaanka gool dhalinta horyaalkaas haya .

Barca ayaa haatan si weyn ugu sii dhawaaneysa in ay qaadaan Horyaalka waxa ayna kooxda ku soo xigta ee Atletico Madrid ka sareeyaan 11 dhibcood iyaga oo leh 73 dhibic

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here