Manchester City oo guuldaro Dhabarka Usaartay Kooxda Arsenal.

0
300

England-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester city ayaa guuldaro dhabarka Usaartay Kooxda Arsenal kulan ka tirsan kulamada Horyaalka Premier League oo lagu ciyaaray Garoonka Kooxda Arsenal.

Kooxda Manchester City ayaana Hal gool uga badisay Kooxda Arsenal goolkaasina waxaa ay uga mahadcelineysaa Xiddiga Raheem Sterling.

Raheem Sterling ayaana goolka City dhaliyay ciyaarta oo socota kaliya 2 Daqiiqo iyadoo intaasi wixii ka danbeeyay ay kubada ay aheyd mid caajis ku jiro guud ahaan ciyaarta kulanka ayaana ugu dambeyn kusoo dhamaatay 0-1 oo ay guushu ku raacday Manchester city .

Manchester city ayaana 10 dhibcood ku qabatay Hogaanka Horyaalka Premier league iyadoo leh 59 dhibcood waxaana kaalinta Labaad ku jiro Man United oo leh 49 dhibcood.

ImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here