Wasaaradda Haweenka Jubbaland oo waddo wacyigelin ku saabsan Ilaalinta Xuquuqul Insaanka

0
303
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-waxaa maalmihii ugu danbeeyay Magaalada Kismaayo ka socday barnaamijyo wacyi galin  iyo dood cilmiyeed isugu jira,kuwaasoo ku saabsanaa ilaalinta xuquuqul insaanka iyo yareeynta tacadiyada Jinsiga la xiriira kuwaas oo ay waday Wasaaradda Haweenka Arimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka dowlad goboledka Jubbaland.
Miski yusuf Cali oo  wasaaradda haweenka Jubbaland u qaabilsan isku xirka Barnaamijyada midaysan ee xuquuqul insaanka  ayaa ka warbixisay siyaabaha looga hortagi karo tacadiyada jinsiga, waxaa ayna sheegatay in wasaaraddu gacanata ku hayso  sharciyaadii loga hortagi lahaa xad gudubyada jinsiga ku salaysan ayna rajaynayaan in dhawaan la dhamaystiro .
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here