Haween bartay Xirfado kala duwan oo Shaqo Abuur loo sameeyay Magaalada Kismaayo

0
491
Kismaayo(Waamo Radio)Munaasabadan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas,uuliyiin ka kala socotay Maamulka Gobalka kan Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,Munaabadaan ayaa ujeedkeedu ahaa sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa Haween bartay Xirfado kala gedisan.
Haweenkan ayaa la baray sida Xashka dhuxul looga sameeyo iyo sida Qajaclayaasha la tuuro Guryo looga dhiso,Mashruucan oo ay maalgelineysay Hay,ada UN habitat ayaa waxaa goobta ka hadlay Cabdiraxmaan Maleele oo ku hadlayay Afka Hay,ada,wuxuuna sheegay in kor ka ogaan doonaan Haweenkan la maalgeliyay xaaladooda.
sidoo kale Mas,uuliyiintii ka soo qeyb gashay Kullan ayaa bogaadiyay Hormarka ay sameynayaan Haweenkan la maalgeliyay waxayna ku dhiira geliyeen in ay dadaalkooda sii laba jibaaraan.
Luul oo ku hadleysay magaca Haweenka la maalgeliyay ayaa ka mahadcelisay Shaqo abuurka loo sameeyay waxayna sheegtay in ay gudan waajibkooda.
Kullanka ayaa waxaa soo xiray Agaasimaha arimaha Bulshada Gobalka Jubada Hoose Jaamac Ugaas wuxuuna dardaaran u jeediyay Haweenka shaqo abuurka loo sameeyay.
Waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya,Cabdiraxmaan Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here