Gudiga Xaafada Midnimo oo bilaabay Wacyi gelinta Bulshada Xaafadaas

0
511

Kismaayo(waamo Radio)Xaafada Midnimo ee magaalada Kismaayo dadka degan waxaa ay u badanyihiin dadkii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga dalka Kenya  waxaa laga hergeliyay adeegyada asaasiga u ah Bulshada sida Waxbarashada Caafimaadka Suuq wax laga iibiyo Soolarka Cadceeda ku shaqeeya.

Inkastoo aysan u dhameystirneen Baahiyaha dadka deegaanka waxaa jira gudi laga soo xulay Xaafada Midnimo waxay mudo sedax maalin ah sameyn doonaan wacyi gelin ku saabsan ilaalinta deegaanka sida in dhowrista Soolarka oo xiliyada habeenki dadka Xaafadaasi ay u sahasho isku socodka dadweynaha.

Gudoomiyaha Xaafada Midnimo Kaliil Cukaash Gaaboow oo la hadlay warbaahinta xili ay socotay wacyi gelinta Bulshada ayaa sheegay in weli ay u dhiman yihiin Biyo Macaan oo ay baahida weyn u qabaan dadka Xaafada Midnimo ku nool.

Cabdullahi Maxamed Cabdi Gudoomiye ku xigeenka Degmada Kismaayo ee dhinaca amniga ayaa isna dhinaciisa kula dardaarmay Bulshada in ay ilaalsadaan waxwalba ay Dowladu u qabatay sida Suuqyada Isbitaalka Goobaha Waxbarashada iyo Sollar Sistam,ka ay ilaashadaan.

Agaasimaha Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Jubbaland Cumar Ismaaciil Nuur ayaa isna dhankiisa ka hadlay Goobta ay ka socotay wacyi gelinta dadka deegaanka,wuxuuna sheegay in Bulshada Deegaanka ay barayaan sidii ay u ilaashaan lahaayeen adeegyada nolosha asaasiga u ah.

waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya,Cabdiraxiim Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here