Wakhtiga Uu Guardiola Isaga Tagayo Man City Oo La Ogaaday

0
33

Kismsayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa in uu ka tagi doono kooxda Man City sanadka 2025.

Guardiola ayaa 8 ano ka hor ku soo biiray Man City waxana haatan 2 bilood uga hadhay heshiiskiisa kooxda Man City.

Man City ayaa Guardiola siin doonta wakhti uu go’aan ku aato waxana ay doonayaan in uu tababaruhu sii joogo kooxda.

Laakiin maamulka Man City ayaa ka cabsi qaba in xilli ciyaareedka 9-aad Guardiola uu noqon doono midkii ugu dambeeyay.

Tababare Guardiola ayaa kooxda Man City kula guulaystay 6 horyaal premier League intii uu joogay kooxda Man City.

Man City ayaa sidoo kale haatanba bilowday raadinta badalkiisa macquulka ah iyaga oo bartilmaameed ka dhigtay tababaraha Girona ee Michel.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.