Arsenal Oo Taariikh Ka Samaysay Premier League Kadib Guushii Wolves.

0
44

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa dhigtay rikoodh cusub kadib markii ay soo bandhigtay qaab difaaceed cajiib ah kulankii ay sabtidii 2-0 kaga badiyeen kooxda Wolverhampton Wanderers garoonka Molineux.

Gunners ayaa ka soo kabsatay ka haristii ay bartamihii todobaadka ka hartay tartanka champions League iyaga oo u dhaqaaqay hogaanka horyaalka premier League kadib markii ay guul ka gaadheen kooxda Wolves.

Leandro Trossard ayaa dhaliyay goolkiisii ​​9-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan isaga oo Gunners hogaanka u dhiibay waqtigii nasashada, ka hor inta uuna Martin Odegaard waqtigii dhamaadka ciyaarta shabaqa soo taaban isla markaas dilin ciyaarta.

Daafaca Arsenal ayaa u suurtagashay in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed adag iyaga oo shabaqooda ilaashaday.

Kadib kulanka, Arsenal ayaa shabaqeeda ilaashatay 6 kulan oo xidhiidh ah premier League kulamada martida markii ugu horaysay taariikhdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.