Kooxda Bayer Leverkusen oo ku Guuleysatay Horyaalka Bundesliga ee dalka Germany

0
48

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Bayer Leverkusen ayaa xalay u dabaal degtay ku Guuleysiga Horyaalka Bundesliga ee wadanka Germany, Kooxda tababare Xabi Alonso ayaa 5-0 ku xasuuqday Kooxda Werder Bremen oo marti ugu ahayd garoonka Bay Arena Stadium, halkaas oo markii ay ciyaartu dhamaatayna ay gudaha usoo wada galeen taageereyaashu oo ay si weyn ugula dabbaal-dageen ciyaartoyda kooxdooda iyo Xabi Alonso.

Kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii ugu horreeyey ee waddanka Germany ahna koobkii saddexaad ee abid ay kooxdaasi qaaddo, inkasta oo ay jirtay 120 sannadood.

Leverkusen ayaa guusheedu ay noqotay mid taariikhda gashay, waxaanay horyaalka qaadday iyadoon marnaba la kulmin wax guul-darro ah xilli-ciyaareedkan oo dhan dhamaan tartamada isla markaana 16 dhibcood oo nadiif ah ka horreysa Bayern Munich oo kaalinta labaad ku jirta.

Bayern Leverkusen oo xilli-ciyaareedyadii 1999-2000 iyo 2001-2002 ciyaartii ugu dambaysay horyaalka lagu garaacay oo lagaga guuleystay ayaa soo afjartay abaarta 120ka sannadood ka haysatay horyaalka Bundesliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.