Cesc Fabregas Oo Si Weyn Sharaxay Isbedelka Ugu Weyn Ee Uu Mikel Arteta Ku Sameeyay Arsenal

0
91

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kabtankii hore ee kooxda Arsenal ee Cesc Fabregas ayaa amaanay tababare Mikel Arteta oo haatan si wanaagsan u horkacaya kooxdaas hoggaanka horyaalkana ku hoggaamiyay.

Arteta ayaa qaab xun ku bilawday nolosha Arsenal, kaddib laba xilli ciyaareed oo uu xidhiidh booska siddeedaad uga galay Premier League ayuu xilli ciyaareedkii hore booska shanaad ku hoggaamiyay isagoo aan wali Champions League gaynin.

Xilli ciyaareedkan ayay Gunners wacdarro dhigayaan iyagoo hoggaanka shan dhibcood kaga haya Manchester City xilli waliba kulan baaqi u yahay.

Fabregas oo xalay Sky Sports marti ku ahaa ayaa amaanay qaabka macalinka ay Spain kasoo wada jeedaan u bedelay gabi ahaanba aragtidii kooxda.

“Isagu wuxuu sameeyay shaqo cajiib ah, waxaynu ka aragnay dhokumentarigii (All Or Nothing ee Arsenal laga duubay), sida uu ciyaartoyda u riixo, sida uu ciyaartoyda u fahmo” ayuu yidhi Cesc.

“Nasiib ayaan ku lahaa inaan xerada tababarka tago dhawaan, waxkasta in badan ayuu isbedelay, waxaad dareemaysaa sida in tababaraha xerada tababarku 95% uu yahay Mikel Arteta oo wixii oo dhan bedelay”.

“Markaad xerada tababarka galayso waxa ku sawiran calaamada koob Premier League oo madhan, wuxuu doonayaa inuu tuso fariinta, waxaynu u baahanahay inaynu koobka halkaa galino, maalin kasta ciyaartoydu way arkaan Premier League balse kaliya calaamada, dhiirigelin ayay u tahay maalin kasta, wuxuu bedelay maskaxda kooxda”.

Fabregas ayaa sidoo kale ku amaanay Arteta inuu diray xiddigihii qaab ciyaareedkoodu hooseeyay ee kooxda oo uu keenay saxeexyada sida Gabriel Jesus iyo Oleksandr Zinchenko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.