Lampard oo ka hadlay xaqiiqada ku saabsan inuu muran dhex maray isaga iyo Mourinho

0
315

London(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay inuu ixtiraam weyn u hayo tababaraha Tottenham Hotspur ee Jose Mourinho.

Chelsea ayaa ka hartay tartanka Carabao Cup, kaddib markii ay kooxda Tottenham rigoore 5-4 ku garaacday naadiga Blues xilli 90-kii daqiiqo ee ciyaarta la isku mari waayay barbaro 1-1 ah.

Wararka ayaa waxay sheegeen labada macalin kooxaha Chelsea iyo Tottenham Hotspur uu muran dhex maray inta ay ciyaarta socotay.

“Waan ku raaxaysannay xoogaa, waan ku raacsanahay Jose”.

Wuxuuna intaas ku daray hadalkiisa isagoo leh:

“Waxaan dhihi jiray wuxuu la hadlaa garsooraha in ka badan ciyaartoydiisa”.

Warbixin ay daabacday Jariirada Ingiriiska ka soo baxda ee The Sun ayaa lagu sheegay sheeko muujineysa in Mourinho oo garoonka dillintiisa taagan uu u sheegay Tababare Frank Lampard:

“Marka lagaaga badiyo 3-0, halkaan kuma hakanaysid”.

Lampard oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay Mourinho, oo tababare ugu soo noqday intii ay wada joogeen kooxda Chelsea, wuxuuna yiri:

“Waxaan ixtiraam weyn u hayaa Jose, wax walba way fiicnaayeen ugu dambeyntii, taasna waligeed isma beddeli doonto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.