Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo digniin u jeedisay dadka u safra Wadamada deriska

0
331

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Cudurka halista ah ee Covid-19 ayaa dalal badan oo Caalamka ah xiligaan ku soo laba kacleeyay,waxaana wadamada qaar ka jirto korarka Tirada dadka uu kudhacaayo cudurka.

Dr Cabdinaasir  Maxamed Cabdi isku duwaha  Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Waamo ayaa shacabka ku nool Dowlad Goboleedka Jubbaland Gaar Ahaan dadka degan magaaloyinka xuduudaha oogu baaqay in ay yareeyaan u safrida wadamada dariska ah, si looga taxadaro faafidda Cudurka Carona-virus oo meelo caalamka ka mid ah ku soo laba kacleeyay.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.