Madaxweyne Deni oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay saameynta fatahaadii Qardho

0
439

Qardho-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Karkaar, Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay fatahaadii ka dhacday Qardho.

 

Nabadoonada iyo Waxgaradka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay sida ay Xukuumadda uga jawaabtay illaa iyo haddana u maareynayso xaaladda dhacday, iyo imaanshaha Madaxweynaha ee Qardho.

 

  Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odeyaasha dhaqanka in ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in Biyahu soo galaan magaaladda.

 

Puntland ayaa goor horeba bilowday qorshe loogu gurmanayo degmada Qardho, si wax loo gaarsiiyo dadkii uu noloshooda saameeyay daadkii iyo fatahaadii ka dhacday Qardho, waxaana uu hadda maraya qorshahaasi meel wanaagsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.