DEG-DEG: Barcelona Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Tababaraheeda Cusub

0
262

Spain-(Idaacadda Waamo) Kooxda Barcelona ayaa Si Rasmi ah ugu Dhawaaqday Tababaraheeda Cusub ee Hogaamin Doona Xili Ciyaareedka Dambe Kaddib Markii ay Shaqada Ka Cayriyeen Tababare Quique Setien oo Toddoba Bilood oo Kaliya Soo Hogaamiyey Kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa Go’aansatay inay Cayriso Tababare Setien oo Bishii January Kooxda yimid, isla Markaana Beddelay Tababare Ernesto Valverde, Waxaase isagana ay Seeftu Qaadday Markii uu isbeddel Kusamayn waayay Qaab Ciyaareedkii Kooxdu Ku Jirtay.

War-saxaafadeed ay Barcelona Soo Saartay ayay Ku Sheegtay in Tababarihii Xulka Qaranka Netherlands ee Ronald Koeman Loo Magacaabay Macallinka Cusub ee Barcelona, isla Markaana uu Qalinka Ku Guugay Heshiis Soconaya illaa Bartamaha Sannadka 2022.

“Ronald Koeman Wuxuu yimid FC Barcelona Kaddib Tababarenimadiisii Premier League, LaLiga, Dutch League, Portuguese League iyo Sidoo Kale Fagaaraha Xulka Qaranka Netherlands.”

Si Kastaba, Koeman ayaa Ka Tegay Xulka Qaranka Netherlands isaga oo aan Ku Hoggaamin Tartankii u Qorshaysnaa ee Euro 2020 oo Dib Loogu Dhigay Sannadka Dambe, Waxaana uu Qaban Doonaa Barcelona oo ay Ku Gedaaman yihiin Duruufo adag oo Taxan Ciyaartoyda illaa  Maamulka Sare, Kuwaas oo Looga Baahan yahay inuu La yimaaddo Farsamadii iyo Caqliyaddii uu Xallin Lahaa.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.