Zinedine Zidane oo u sheegay kooxdiisa go’aanka mustaqbalkiisa

0
273

Madrid(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa la sheegayaa inuu xiddigaha kooxdiisa ku wargeliyay go’aankiisa ku aaddan mustaqbalkiisa xilli dhowaan si aad ah loo hadal hayay inuu u wareegi karo Juventus.

Halyeyga ay ku daysadaan xiddigo badan oo haatan ciyaara kubadda cagta ayaa xiddigaha kooxda Madrid u sheegay inuu isaga tagayo kooxda marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan 2020-21.

Zidane ayaa qolka labiska kula hadla xiddigahiisa markii ay dhammaatay ciyaartii barbarraha ay kooxdiisa la gashay Sevilla, isagoo ku wargeliyay inuu guud ahaan soo af-jarayo xukunkiisa labaad ee Madrid sida ay Goal xaqiijisay.

Si kastaba ha ahaatee, 48-jirkan ayaa lagu soo warramayaa inuu shaqada kooxda La Liga difaacaneyso uga tagayo si uu u qabto kooxda Juventus taasoo raadineysa baddelka Andrea Pirlo.

Waa markii labaad ee uu macallinka Faransiiska ah iska casilayo shaqada kooxda Real Madrid isagoo ku dhowaaqay ka tagista Madrid markii ay kooxdiisa gacanta ku dhigtay Champions League markeedii saddexaad oo xiriir ah sanadkii 2018 isagoo soo idleeyay xukunkiisii hore, hase ahaatee, waxa uu kooxda kusoo laabtay 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here