Yaa Ka Danbeeya Qaab Ciyaareedka Cajiibka ee Paul Pogba 

0
465

England-(Idaacadda Waamo)- Dhoolacadeyn badan ayaa ka soo baxday kursiga keydka Manchester United markii uu Paul Pogba dhaliyay goolalka guusha kulamo badan oo Man United Muhiim u ahaa sida Kulankii ugu dambeeyey ee Fulham.

Darren Fletcher ayaa ka mid ahaa xiddigaha uu sida weyn u aaminsanaa Sir Alex Ferguson muddo 10 sannadood ah, wuxuuna haatan soo dhisayaa jiilka cusub ee xiddigaha hogaaminaya Man United.

Xiddigii hore ee Scotland ayaa 20 sannadood ku qaatay Old Trafford, wuxuu ahaa xiddig aan laga maarmin, adag islamarkaana shaqo badan.Man Utd: Paul Pogba and Bruno Fernandes may have to make “sacrifices”, says Darren Fletcher | Football News | FR24 News English

Bilowgii bishaan Man United ayaa shaacisay in 36 jirkaan uu qeyb ka noqday shaqaalaha tababarka ee Ole Gunnar Solskjaer si uu khibradiisa ugu biiriyo kooxda koowaad.

Dalacsiintaan waxay timid kaliya seddex bilood uu kooxda dib ugu soo laabtay isagoo caawinayay kooxaha akadeemiga.

Darren Fletcher showed his true feelings in reaction to Paul Pogba moment - Mirror Online

Tan iyo markii uu ka mid noqday shaqaalaha tababarka Ole Gunnar Solskjaer wuxuu si dhow la shaqeynayay Pogba iyo xiddigaha kale ee khadka dhexe si ay qaab ciyaareedkooda sarre ugu qaadaan.

Durbaba United waxay guraneysaa mirihii Fletcher iyadoo Pogba uu la soo baxay qaab ciyaareed fiican isagoo goolal guulo keenay ka dhaliyay kooxahaFulham iyo Burnley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here