Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Sanad walaba maanta oo kale 25-ka bisha April waxaa dunida laga xusaa maalinta Malaariyada ama Duumada maalintan ayaa loo aqoonsaday sanadkii 1897 xilligaas oo dhakhter kasoo jeeda dalka Uk oo la yidhaahdo sir Ronald ross ogaaday in dhiigaga kaneecada u gudbiyo cudurka duumada oo saameeyay kumanaan qof oo ku nool dunida daafaheeda kala duwan.
dalal badan oo dunida kamid ah waxaa laga xusaa malinta duumada adduunka dalalka maalintan oo kale laga xusa waxaa kamid ah somalia oo ay dad badan halis ku heyso cudurka duumadu.
Goobaha ugu badan ee Cudurkan laga helo ayaa noqday wadama saxaraha ka hooseeya ee Qaarada Africa halkaas oo la sheegay in dad badan uu soo ritay qaaran ay u dhinteen cudurkan duumada.
Duniada ayaa dadaal ugu jirta ah sidii loo yarayn karno dhimashada duumada ay ku hayso wadamada Caalamka waxaan Intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2020 , tirada dhimashada la xiriirta duumada ay sare u kacday.
Warbixinada kale duwan oo ay ka soo saartay WHO ee ku sabsan cudurka malaariyada adduunka ee 2019 ilaa 2020 , ma jirin wax guul ah oo caalamka ka gaadhay yareynta caabuqyada cusub muddadii u dhaxeysay 2018-ka illaa 2020. Waxaana dad badan ay u dhinteen duumadda sanadkaan.
Tallaabooyinka deg-deg ah ayaa loo baahan yahay in lugu xakameeya cudurka dumadda ayaa ah in dowaladda sare u qaado tayaynta adeegyadda cafimadka oo loga hortagi karo cudurka duumaadda
Iyadoo ay maanta ay ku asteesan tahay maalinta duumada adduunka ayaa waxaa magalada Kismaayo lagu qabtay xuska maalinta cudurka duumada waxaan munaasabada ka soo qeybgalay madax ka socota wasaradda caafimaadKa Jubbaland musuliin, iyo qaar ka mid ah ururada rayidka bulshada
Hodan Muse oo ka mid madax wacigalinta wasaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa waxay ka gadashay sida ugu habooon ee bulshada loga wacigalin karo Cudurka Dumaada
Madax Cudurka duumada ee wasaradda Caafimadka Jubbaland Cabdikadir Maxamed Cali ayaa waxuu ka hadlay sida loga cirtir karo cudurka duumada bulshada kunool dowlad gobooleedka Jubbaland.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.