Xulka Spain oo ku Guulaystay Koobka Euro 2024

0
45

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xulka Spain ayaa ku guulaystay tartankii koobka Euro 2024 iyagoo guul ay ku rafaadeen ka gaaray xulka England, ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Spain ahaa xulka raadinayey inay waqti hore ciyaarta dilaan oo ay badiyaan.

halka xulka England ay iyagana difaac ku jireen iyagoo doonaayay inay rikoorayaal la gaaraan ciyaarta xulka Spain.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay bar-baro bilaa gool ah inkastoo uu xulka Spain ahaa xulka iska qasaariyay fursado badan.

Spain ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilowday si dar-dar leh iyagoo doonayay ina dhaliyaan goolka 1-aad ee ciyaarta ay hogaanka uqabtaan.

Daqiiqadii 47-aad xulka Spain ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay xiddiga Nico Williams kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0, balse England ayaa daqiiqadii 73-aad kusoo laabtay ciyaarta waxaana goolka bar-baraha waxaana u dhaliyay xiddiga Cole Palmer.

Daqiiqadii 86-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxaana  u dhaliyay Mikel Oyarzabal kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 oo ay Spain ku qaaday Koobka Euro 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here