Xulka Somaliya oo Guuldaro Kala Kulmay Xulka Oman.

0
334

Somaliya(Idaacadda Waamo)-Xulka qaranka Somaliya ayaa guuldaro kala kulmay xulka Oman kulan ka tirsanaa is reeb-reebka tartanka FIFA Arab Cup kana dhacay garoonka Jassim Bin Hamad Stadium.

Xulka Oman ayaa daqiiqadii 11-aad helay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Muhsen kaas oo xulkiisa u dhiibay Hogaanka ciyaarta kana dhigay Ciyaarta 1/0.

Mar kale Daqiiqadii 36-aad Xulka Oman ayaa dhaliyay goolka 2-aad kadib markii rikoore loo dhigay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 oo uu xulka Oman ku hogaaminayey ciyaarta.

Qaybtii dambe ayuu xulka Somaliya ciyaarta kusoo galay si ka duwan qaybtii hore iyaga oo maamulayay ciyaarta kana fiicnaa xulka Oman kuwaas oo difaac ku jiray.

Daqiqiadii 56-aad ayay wax walba is badaleen kadib markii uu xulka Somaliya dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu madax qurux badan u dhaliyay xiddiga Abel Gigle kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku Dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Somaliya ka haray tartanka halka xulka Oman gaaray wareega Heerka Group-yada FIFA Arab Cup.

ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here