Xulka Senegal oo u soo baxday Koobka Adduunka kaddib markii ay ka adkaadeen Egypt

0
224

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xulka Senegal ayaa iska xaadiriyay koobka adduunka ee sanadkan 2022 kaddib markii ay rigoorooyin 3-1 ah kaga adkaadeen Egypt, xilli ciyaarta ay ku dhammaatay 1-0, maadaama kulankii lugta hore uu xulka Egypt ku soo adkaaday 1-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Senegal oo marti loo ahaa.

Daqiiqadii 3-aad xulka qaranka Senegal ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Boulaye Dia.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90-ka daqiiqo loogu tala galay ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 1-0, maadaama kulankii lugta hore uu xulka Egypt ku soo adkaatay 1-0 waxaa laa aaday waqti dheeri ah si loo go’aamiyo xulka u gudbaya koobka adduunka 2022 ka dhici doono dalka Qatar.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay rigoorooyin 3-1 uu ku adkaaday xulka qaranka Senegal, taasoo ka dhigtay inay jartaan tikirkooda koobk adduunka 2022 ee sanadkan ka dhacaya dalka Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here