Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Ku Guuleystay Koobka Qaramada Afrika Ee 17-Jirrada

0
184

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xulka qaranka Somaliya ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika ee 17-jirrada kaddib markii ay 3-1 ku garaaceen Koonfurta Sudan oo ay iskugu soo baxeen Finalka, iyadoo ciyaartan ay taageereyaal badan oo Soomaali ah soo camireen garoonka Addis Ababa ee ay ciyaartani ka dhacday.

Geesiyada Somaliya ayaa soo bandhigay ciyaar xarrago leh oo ay min bilowgii tartanka illaa finalka maanta ay muujinayeen, iyaga oo dhexda kusoo garaacay Uganda iyo Itoobiya ka hor intii aanay imanin finalka oo ay South Sudan cashar ugu dhigeen.

Wiilasha ayaa u qalmayay in qaybta horeba ay guusha gacanta ku dhigaan oo ay South Sudan saddex gool ka dhaliyaan, hase yeeshee waxay iska khasaariyeen laba ka mid ah fursadahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here