Xulka Jubbaland Kubadda Cagta oo diyaar garow ugu jiro tartanka Dowlad Goboleedyada

0
265
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xulka Kubadda Cagta dowlad goboleedka Jubbaland  ayaa weli waxa ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ku sameeynayaan Garoonka Waamo magaalada kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah dowlad goboleedka Jubbaland.
Maaalmo kadib waxaa la filayaa in ay u duulaan caasimadda dalka ee Muqdisho oo uu dhawaan ka furmi doono tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.
xulka kubada cagta Jubbaland ayaa muddo 3 bilood ah waxay tababar iyo diyaar garoow xooggan ku sameeynayeen deegaanada ay matali doonaan gaar ahaan garoonka Waamo ee Magaalada Kismaayo, Ciyaartooyda matalaya  Jubbaland ayaa ka hadlay dareenkooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin koobka in ay soo difaacdaan.
Cowke Cali Cawil Warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here