Xulka Germany Oo Garaacay Xulka Holland Kulan Xiiso Leh Oo ay wada Ciyaareen

0
459

Kadib kulan xiiso leh xulka qaranka Germnay ayaa guul qiimo leh ka gaadhay xulka Qaranka Holland kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020.

Labada xul ayaa isaga hor yimid kulan ka tirsan Euro 2020 kulan ahaa mid xiiso leh oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Xulka Germany ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa xulka Holland kuna qaadayay weeraro halis ah.

Gool :- Germany ayaa ka faa,iidaystay qaab ciyaareedkiisa waxana uu daqiiqadii 15-aad dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Leroy Sane.

Gool :- Xulka Germany ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 34-aad dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Serge Gnabry.

Waxa sidaasi kusoo dhamaatay Qaybtii hore ee ciyaarta  oo uu xulka Germany ku hogaaminayo 2/0 ciyaarta waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu xulka Holland isa soo canaantay waxana ay ciyaarta ku soo galeen qaab dar-dar leh iyaga oo doonaya in ay ciyaarta wax ka badalaan.

Gool :- Daqiiqadii 48-aad ayuu xulka Holland dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga Matthijs de Ligt kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Gool :- Xulka Holland ayaa sii waday cadaadiskii ay ku hayeen Germany waxana ay daqiiqadii 63-aad dhaliyeen goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Memphis Depay Xidigii Hore Man United kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Gool :- Laakiin Xulka Germany ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhaliyay goolka guusha waxaana u dhaliyay xiddiga Nico Schulz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/3.

Waxana ay sidaas guul qaali ah ku raacday xulka Germany oo sidaas ku gaadhay guushiisii ugu horeeyay ee is reeb-reebka Euro 2020.

Dhanka kale xulka Belguim ayaa gaadhay guushiisii 2-aad oo xiriir ah is reeb-reebka Euro 2020 kadib markii ay garaaceen xulka Cyprus. 2/0 ayey kaga badiyeen waxaana Goolasha Eden Hazzard Iyo Michy Batshuayi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here