Xulka Jordan oo Iska Xaadiriyay Final-ka Koobka Asia.

0
107

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xulka qaranka Jordan ayaa guul weyn ka gaaray xulka South Korea kulan ka tirsan semi-finalka koobka Asia Cup kaasoo ay martigelineyso dalka Qatar oo caawa rajeynayaa inuu isagana gaaro Finalka kadib kulan ay caawa wajahyaan Xulka Iran.

Xulka Jordan ayaa bilowgii ciyaarta daqiiqadii 4-aad bilaabay in uu halis galiyo goolka South Korea-da kadib markii uu meel ka baxsan diilinta ganaaxa ka toogtay goolka.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0-0 ay xulka Jordan ka go`neyd iney ka taqalusaan xulka South Korea oo watay ciyaartoy waaweyn oo caana ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta Ciyaaryahan Yazan Al-Naimat ayaa u dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta xulkiisa Jordan daqiiqadii 53-aad kadib baas uu ka helay saaxiibkiis Musa Al-Taamari oo isna ciyaarta ka dhigay 2-0 oo hogaanka ku dheereystay xulka Jordan daqiiqadii 66-aad.

Xulka South Korea ayaa dhaliyay gool laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xiriira Offside, laakiin ciyaarta ayaa sidaas kusoo dhamaatay 2-0 oo uu xulka Jordan isaga xaadiriyeen Final-ka tartanka Koobka Asia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here