Xukuumadda Oo Horumarineysa Dhismaha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee Faransiiska

0
387

Paris(Idaacada Waamo)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday dhismaha safaarada Soomaaliyeed ee dalka Farasniiska.

Mudane Xasan Cali Khayre oo safaaradda kula kulmay ku simaha safiirka iyo diplamaasiyiinta ee la shaqeeya ayaa ka dhageystay warbixnta guud iyo baahiyaha ay qabaan, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay dayactir ku sameyneyso xurunta safaaradda iyo hoyga safiirka.

Dowladda oo dhawaan dhisme safaaradeed ka iibsatay dalka Mareykanka, ayaa wadda dadaallo lagu horumariyo dhismooyinka safaaradaha dalalka caalamka.

R/W,Abdi Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here