Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xoolo-dhaqatada Degmada Ceelberde Ee Gobolka Bokool ayaa sheegaya inay baahi u qabaan in xoolahoodu helaan Tallaal iyo daaweyn degdeg ah, si looga hortago Cudurro halis ah oo ku dhici kara Xoolaha, maadaama lagu jiro Xilli kulul .
Ceelasha ay biyaha ka Cabaan xoolaha Deegaanka ayaa ah kuwa mararka qaar halis Caafimaad uga imaan karta Daaweyn la,aan iyo Kuleylka jira dartiisa waxaa halkaasi booqdey iskuduwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha KG Ee Degmada Ceelberde si uu ogaado xaalaada ay ku sugan yihiin xoola dhaqatada.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.