Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Xulka Kubadda cagta Jubbaland oo magaalada muqdisho uga qayb galay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay Magaalada kismaayo .
Ciyaartoyda Jubbaland oo sanadkii 2017kii ku guleeystay koobkii loo dhigay tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa sanadkaan 2020 ku haray qaybihii hore tartanka ama heerka Group-yada ciyaaraha.
Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Jubbaland Axmed Faarax Taqal (Tima jilic) ayaa ka warbixyay arimo laxiriira Tartankii ciyaara ee ay ka qayb galeen xulka Jubbaland iyo doorashada Gudoonka xiriirka gubada cagta Jubbaland oo uu sheegay in ay dhawaan qabsoomi doonto.